Home Wararka Gudaha Maxay ka wada hadleen Mahdi Guuleed & Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar?

Maxay ka wada hadleen Mahdi Guuleed & Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar?

176
0

Isniin 28-da Maarso, (Mogadishu-xog-ogaal) Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed oo safar shaqo ku jooga magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ayaa kulan la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Qatar Mudane Sheekh Khalid Bin Khalifa bin Abdul Aziz al-Thani,labada dhinac ayaa waxaa  ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa Dowladda Qatar iyo Amiirka dalkaas Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani uga mahadceliyey soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey isaga iyo wafdigiisa, isaga oo hoosta ka xarriiqay in kulammada noocan ahi ay dardar galin u yihiin mashaariicda horumarineed ee labada dal iska kaashanayaan, isagoo Dowladda Qatar uga mahadceliyay mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgalisay Soomaaliya, dhankiisana Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka ee Qatar Mudane Sheekh Khalid bin Khalifa bin Abdul Aziz al-Thani, ayaa tilmaamay sida ay dalkiisa uga go’antahay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo labada Shacab ee walaalaha ah, iyadoo mudnaanta la siinayo qorsheyaasha labada dal hortabinta u leh.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.