Home Wararka Gudaha Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Safiirka Imaaraadka?

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Safiirka Imaaraadka?

226
0

Axad 5-ta June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa Maanta Xafiiskiisa ee Villa Soomaaliya waxaa uu ku qaabilay Danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Othman, kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Imaaraadka u bilaabi laheyd taageerada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

War kasoo baxay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in kulanka siweyn diirada loogu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo horumarinta wxyaabaha ay wadaagaan, madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa dhankiisa dowladda imaaraadka Carabta uga mahad celiyay taageerada ay siiso, isaga oo sheegay in looga baahan yahay wadasahqeyn xoogan oo dhinac walbo leh.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Shantii sano ee la soo dhaafay aan wax xiriir ah la laheyn dowladda Soomaaliya kadib markii uu khilaaf dhex-maray dowladdii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse xiriirkii xumaaday uu soo celiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.