Home Wararka Gudaha Maxay ka wada hadleen Cumar Filish iyo Safiirka Turkiga?

Maxay ka wada hadleen Cumar Filish iyo Safiirka Turkiga?

127
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Safaarada Turkiya ee Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Turkiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz.

Duqa Muqdisho  Cumar Filish iyo Danjire Mehmet Yilmaz ayaa ka wada hadlay xoojinta Xiriirka Safaarada Turkiya iyo Dowladda Hoose ee Xamar iyo Sidii Safaarada Turkiya ay Gacan ugu geysan laheyd baahiyaha dadka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Turkiya kaga Mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, iyagoona horay dhowr mashaariic oo horumarineed ugu fuliyay Muqdisho, sida dhismaha waddooyinka, xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.