(Mogadishu-xog-ogaal) Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu shir uga furmo Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda 5-ta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirkaan oo kal hore uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen ayaa qorshihiisu ahaa in uu furmo 27-kii Bishaan balse uu dib u dhacay, waxaana shirka Maanta looga hadlayaa Amniga guud ee dalka, Sixitaanka habraaca doorashooyinka iyo in waqti cayiman lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka.
Xubnaha Golaha wadatashiga Qaran ayaa dood adag ka yeelan doona caqabadaha heysta doorashooyinka, sidoo kalena warar soo baxayay ay sheegaya in Dowlad Goboleedyada qaar ay doonayaan in hal degaan lagu soo koobo doorashada
Magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayaa u diyaar garowga Shirka Golaha wadatashiga Qaran, waxaana shirkaas isha ku haya Shacabka Soomaaliyeed iyo Wakiilafa Beesha Caalamka re taageerada siiya Soomaaliya.