Home Wararka Gudaha Maxaa ka jira inay kulan yeelanayaan Madaxweynaha Maamulka Somaliland iyo Madaxweynaha dalka...

Maxaa ka jira inay kulan yeelanayaan Madaxweynaha Maamulka Somaliland iyo Madaxweynaha dalka Eritrea?

284
0

(Hargeysa-Xog-ogaal) Iyada oo waftigii ka socday dalka Eritrea ee booqashada ku tagay Magaalada hargeusa ee xarunta maamulka Somaliland ay dhamaysteen safarkii ay ku jooge-en Hargeusa ayna shalay dib ugu laabteen dalkoodii ayaa warbaahinta ka howlgasha deegaanada Maamulka somaliland waxa ay qoreen warar sheegaya in laga yaabo in ay dhawaan kulan yeeshaan Madaxweynaha dalka dalka Eritrea iyo madaxweynaha maamulka Somaliland.
Sida lagu daabacay qaar kamid ah warbaahinta Somaliland Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu socdaal ku tago dhawaan magaalada Asmra ee caasimadda Ereteriya, waxaanay wararku intaas ku darayaan in Madaxweynaha dalka Eritrea uu weftigii ka socday dalkiisa ee dhawaan tagay hargeysa uuu soo dhiibay martiqaad rasmi ah.
Sidoo klae warbaahinta Somaliland waxa ay sheegeen in laga yaabo in Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki uu socdaal ku yimaado magaalada hargeysa ee xarunta Somaliland, ka dib markii uu Madaxweyne Biixi u fidiyay martiqaad uu ugu dhiibay waftigii wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Eritrea ee dhawaan tagay Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.