Talaado 6-da September 2022,(Muqdisho-Xog-ogaal) Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in dowladda federaalku ay waddo qorshe cusub oo ku dhisan qaab canshuur looga qaadayo maraakiibta ganacsiga ee ku soo socda guud ahaan dekedaha dalka Soomaaliya, sida warkani sheegayo dowladda ayaa canshuurtan maraakiibta ugu qaadi doonta dalka Imaaraadka carabta oo ah dalka ugu badan ee ay ka yimaadaan Maraakiibta badeecadaha kala duwan u sida dalka Soomaaliya iyo sidoo kale dalalka kale ee soomaaliya looga soo waarido badeecadaha kala duwan.
Wararkani waxaa kale oo ay sheegayaan in canshuurtan ay dowladdu qaadeyso ayaa ay khusayn doonaan dhammaanba maraakiibta ku socota dekedaha rasmiga ah ee dalka sida Boosaaso, Kismaayo Muqdisho iyo xittaa dekedaha kale ee yar yar ee dalka ee aanay canshuurin Dowladda Federaalka ah,sidoo kalena waxaa jira in xittaa ay ku jirto dekedda Berbera oo hoostagta maamulka Somaliland oo sodon sano ka hor ku dhawaaqay inuu soomaaliya inteeda kale ka go’ay kaas oo ilaa hadda aan wax aqoonsi ah ka helin caalamka, ujeedka canshuurtan ay dowladda federaalku ugu qaadayso dekedaha Imaaraadka iyo dalalka kale ay badeecaduhu uga yimaadaan dalka soomaaliya ayaa la sheegey in ay sabab u tahay kadib markii ay maamullada dekedahaasi ka jira ay ka baaqsadeen inay bixiyaan canshuruta Dowladda Federaalka oo haatan Muqdisho uun canshuurta.
Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa wareysi uu bixiyey markii uu xilka wareejiyey kadib waxa uu ku sheegay in horey loogu guuleysan waayey in la mideeyo dhaqaalaha dekedaha dalka ka soo xarooda aan lagu heshiinin,sidoo kalena Maamulada dekedaha hadda shaqeeya gacanta ku hayaahi aysan ogoleyn inay bixiyaan lacagaha cnashuurta ah ee dowladda dhex ka dooneyso dekedaha ay gacanta ku hayaan Maammulada dalka ka jiraahi, waxaana uu yiri isaga oo arrintaasi ka sii hadlaya “Iyaga dakadahooda waxba nagama siiyaan, anaga teena Muqdisho waxbo kama siino, in la mideeyana weli laguma heshiin”.