Home Wararka Gudaha Mas’uuliyiin katirsan KGS oo gaaray Degmada Bardaale oo go’doonsan

Mas’uuliyiin katirsan KGS oo gaaray Degmada Bardaale oo go’doonsan

85
0

Isniin 15-ta August 2022, (Barawe-xog-ogaal) Mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Isaaq Cabdi ayaa Degmada Bardaale u tagay qiimeynta Nabadgalyada Degmadaas,  wasiirka ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Maamulka Degmada Bardaale, Saraakiisha Ciidanka Federaalka, Daraawiishta Koofur Galbeed, Midowga Afrika ee ATMIS & Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka safarka mas’uuliyiintaan ayaa ah u kuurgelida xaaladda dadka kunool degmada Bardaale iyo sidii loo fulin lahaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, isu socodka Waddooyinka Degmooyinka Gobollada Bay, Bakool & Shabeelaha Hoose ee Koofur Galbeed ayaa kala xirxiran, taas oo saameyn ku yeellatay shacabka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.