Home Wararka Gudaha Mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Dharkiinleey oo lagu dilay Muqdisho

Mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Dharkiinleey oo lagu dilay Muqdisho

9
0

(Sabti 13-ka January 2024, Muqdisho-xog-ogaal) Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil goordhow ka dhacay xaafada Ex-Control degmada Dharkiinleey ee Magaalada Muqdisho, Sida wararka la helayo ay sheegayaan, koox bistoolado ku hubeysan ayaa toogatay Xassan cali gacal( Moosow) oo ahaa Madaxii Fasaxa dhismaha ee Degmada dharkenley.

Moosow oo gacan yare sidoo kale u ahaa gudoomiyaha degmadaasi Xundubeey ayaa la dilay xili uu kasoo baxayay gurigiisa, wuxuu a kusoo jeeday goobtiisa shaqo, danbiilayaasha falkaasi dilka ah geystay oo saddex lagu sheegay ayaa goobta isaga baxsatay.

Ciidamada booliska degnadaasi ayaa daqiiqado kadib tagay goobta, iyagoo ka sameeyay howlgalo baaritaano ah, walow aysan ku guuleysan iney soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha, amniga magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii danbe ahaa mid wanaagsan, iyadoo ay yaraadeen dilalka iyo qaraxyada ay geysan jireen Al-Shabaab.

 

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.