Home Wararka Gudaha Mashruuc biyo xireen ah oo laga dhagax dhigay magaalada Beledweyne ee xarunta...

Mashruuc biyo xireen ah oo laga dhagax dhigay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

262
0

Maamulka Gobolka Hiiraan, Guddiga Somaliland ee gurmadka Fatahaadda  iyo kan gobolka Hiiraan ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhiggay mashruuc biyo xireen ah oo bilow u noqonaya qorshe ballaaran oo la doonayo in biyaha looga weeciyo magaalada.

Deeqdii lacageed ee ka timid Somaliland oo gaareysay [$600,000] oo dollar ayaa [$ 400,000] oo ka mid ah maanta lagu daah furay mashruucan oo wax weyn ka taraya sidii wax looga qaban lahaa daadadka dhibaatada ba’an ku haya  bulshada ku dhaqan magaalada, iyadoo sidoo kalana ay jiraan lacago kale oo la sheegay in loo hayo sii socoshada mashruucan biyo xireenka.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Somaliland Jamaal Ceydiid Xassan ayaa sheegay in markii ay soo gareen magaalada Beledweyne ka fikireen bal sida laga yeelayo dhaqaalaha ay ku deeqeen bulshada reer Somaliland.

”Waxeynu isla garannay in aan lacagtaa oo dhan loo isticmaalin wax la cunno ee taa badalkeeda bal lagu bilaabo mashruuc biyaha lagaga weecinayo magaalada, Somaliland ayaana noqotay ciddii ugu horreysay ee arintaa ku dhiirata, waxeynu ku daah furnay 400,000 oo dollar” ayuu yiri” Jamaal Ceydiid.

Lacgta inta soo hartay oo dhan $ 200, 000 oo dollar ayaa la sheegay in loo qeybin doono dadka danyarta ah ee wali la daalaa-dhacaya dhibtii ay ka dhaxleen Fatahaaddii dhawaan ku dhufatay magaalada.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Fatahaadda gobolka Hiiraan Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa sheegay in tani bilow u tahay qorshe fog la doonayo in gabi ahaanba magaalada looga leexiyo biyaha sanad walba ku soo fataha, waxaana uu ku amaanay guddiga Gurmadka Somaliland sida ay mashruucan ugu dhiiradeen.

Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan soo gaarin lacagtii $ 500,000 ee dollar oo ay dowladda sheegtay ay ugu deeqday Fatahaadda gobolka Hiiraan.

”Dowladda iyada oo inoo jirta 335km ayeey na soo gaari weyday, walaalaheen Somaliland oo intaa aad ogtihiin inoo jirana wey na soo gaarsiiyeen dhaqaalihii ugu talagaleen gobolka, dowladda waxaan leenahay waa waqtigii ugu baahi badnaayeen dadka ku dhaqan gobolka dhaqaalahaa aad sheegteen in aan ku deeqdeen waanan idinka sugeynaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa sheegay in Somaliland mudan yihiin in mashruucan loogu magac-darro magaalada Hargeysa, madaama ayuu yiri ay noqonayaa kuwii ugu horreeyay ee iyagu tallaabadan qaada.

Qorshahan ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne oo sheegay in uu noqonaya mashruucii ugu wanaagsanaa haddii lagu guuleysto, inkastoo dhanka kale ay jiraan dad iyagu ku dooddaya in arintan la xiriirta biyo ka weecinta magaalada u baahan tahay u baahan tahay dhaqaale xoog leh oo ka badan inta hadda la hayo oo ay ku deeqeen maamulada iyo bulshada Soomaaliyeed.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.