Home Wararka Dibadda Masar iyo Isra’iil oo ay xiisad ka dhex aloosan tahay

Masar iyo Isra’iil oo ay xiisad ka dhex aloosan tahay

185
0

Isniin 11-ka July 2022, (Quddus-xog-ogaal) Madaxweynaha dalka Masar, Abdifatah El-sissi iyo RW Israel, Yair Lapid ayaa Khadka Telefoonka kaga wada hadlY Labaatameeyo Askar Masaari ah oo xabaal-wadareed lagu aasay sanadkii 1967-dii, afhayeenka Madaxtooyada Masar, Bassam Rady ayaa sheegay inay Labada Hoggaamiye isku waafaqeen inay Israel baareyso dilka iyo Aaska Ciiddanka Masaarida oo ay Warbaahinta Israel sheegeen in lagu aasay Barxadda The Mini Israel Park oo ku taalla Galbeedka magaalladda Quddus.

Warbaahinta Israel waxay qoreen in Askar Masaari ah oo tiradooda dhamayd 100 Askari la dilay, laguna aasay Qabuur-wadareed ku yaalla Barxadda The Mini Israel Park oo haatan laga dhigay Goob loo dalxiis tago, dagaalkii 1967-kii ee dhex maray Carabta iyo Israel waxaa la sheegay inuu Milliteriga Masaarida ka soo gaareen khasaare dhimashada in ka badan 11,000 Askari, sida laga soo xigtay Kooxda The Britannica Group, masar iyo Israel waxay sanadkii 1979-kii kala saxiixdeen Heshiis Nabadeed oo lagu soo afjaray dagaalkii 6da maalmood ee dhacay sanadkii 1967-dii.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.