Home Wararka Gudaha Marxuum Abwaan Hadraawi oo magaalada Hargeysa lagu aasay

Marxuum Abwaan Hadraawi oo magaalada Hargeysa lagu aasay

106
0

Jimce 19-ka August 2022, (Hargeysa-xog-ogaal) Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa maanta lagu aasay khabuuro ku yaalla Magalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo madax kale oo katirsan Somaliland ayaa ka qaybgalay Aaska Qaran ee loo sameeyey Abwaan Hadraawi.

Sidoo kale aaska Marxuumka waxaa kaqeyb galay siyaasiyiin Muqdisho ka tegay oo uu kamid yahay Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ahna Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee Soomaaliya xilligii Madaxweyne Farmaajo.

Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa shaley ku geeriyooday magaakada Hargeysa, waxa uuna kamid ahaa abwaanada Soomaaliyeed ee heesahooda iyo gabayadooda sida weyn loo jecelyahay.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.