Home Wararka Gudaha Marxaladihii ay soo martay cun- aqabateynta hubka ee Q/mido-obay saartay Soomaaliya iyo…

Marxaladihii ay soo martay cun- aqabateynta hubka ee Q/mido-obay saartay Soomaaliya iyo…

109
0

(New York-Xog-ogaal) Bishii Janaayo ee san-adkii 1992-kii ayaa ayaa markii ugu horeysay qaraar ka soo baxay golaha amaanka oo uu tirsigiisu ahaa 733 cunaqabateynta hubka lagu saaray Soomaaliya, xilligaasoo ahayd 1 sano kadib markii ay burburtay dowladdii dhexe, bi-shii Juun ee sanadkii 2001-dii, qaraar uu tirsigi-isu ahaa 1356 oo ka soo baxay Golaha amma-anka ee Qaramada Midoobay  ayaa dib u eegis loogu sameeyay xayiraadda hubka ee Soom-aaliya, waxaana laga soo reebay hubka qaar iyo qalabka milatariga oo cayiman, si loogu ad-eegsado howlaha la xiriira bani’aadanimada.

Bishii Luulyo ee sanadkii 2002-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1425 oo ka soo baxay golaha ammaanka ayaa lagu kala caddeeyay hubka laga mamnuucay Soomaaliya waxaana lagu qeexay in cunaqabateynta ay ka mid tahay ma-mnuucitaanka ka ganacsiga hubka, bishii Dise-embar ee sanadkii 2006-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1725 oo ka soo baxay Golaha ammaanka ayaa xayiraaddii hubka looga qaaday Soomaaliya, qaraarkaas ayaa u oggolaaday urur goboleedka IGAD iyo midowga Africa inay faragalin ku sam-eeyaan xaaladda Soomaaliya ayna ciidamo ka socda waddamada gobolka geeyaan si ay gac-an u siiyaan dowladda Soomaaliya ee taageer-ada ka heysata Qaramada Midoobay isla mark-aana ay ka soo hor jeedeen kooxaha hubeysan.

Bishii Febraayo ee sannadkii 2007-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1744 oo ka soo baxay golaha ammaanka ayaa lagu xaddiday cunaqabateynta oo gaar looga dhigay dhinacyada aan dowladda ahayn ee Soomaaliya ka dagaalama, waxaa qaraarkaas lagu oggolaaday in Soomaaliya la geyn karo hub iyo saanad milatari oo looga gol leeya-hay in lagu garab istaago dowladda Soomaaliya.

Bishii Nofeembar ee sanadkii 2008-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1844 ayaa wax looga baddalay cunaq-abateynta hubka ee saaran Soomaaliya waxaana la-gu bartilmaameedsaday cid walba oo ku xad gudubta xakameynta hubka, bishii Diseembar ee sanadkii 2009-kii, qaramada Midoobay ayaa cunaqabateynta dhinaca hubka ku soo rogtay dowladda Eritrea, ka dib markii lagu eedeeyay iney ku xad gudubtay xay-iraadda hubka ee saarneyd Soomaaliya.

Bishii Maarso ee sannadkii 2013-kii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 2093 oo ka soo baxay Golaha ammaanka ayaa wax looga baddalay cunaqab-ateynta hubka ee Soomaaliya iyo hababka loo isticmaalo waxyaabaha la xiriira saanadda milatariga ee la siiyo dowladda Soomaaliya, waxaana lagu sii xoojiyay cunaqabateynta ka dhanka ah dhinacyada aan dowladda aheyn.

In muddo ahba dowladda federaalka Soomaa-liya ayaa u xusul duubeysa in gabi ahaanba lagu dul qaado xayiraadda hubka, si ay cudud ugu hesho la dagaallanka Al Shabaab,balse Qaramada Midoobay ayaa ku adkeysatay in haddii Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta uu hubka noqon karo mid faraha ka baxa ama gacanta u gala dhinacyo aan ku habbooneyn, qaraa-rkan ugu dambeeyay ee ay golaha ammaanku uu bishan ku cusbooneysiiyeen cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in do-wladda Somaliya ay ku xad gudubtay xayiraadii lagu sameeyay hubka ayna ka tallaabsatay hubka loogu tala galay in ey isticmaasho.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.