Home Wararka Gudaha Marwada 1aad ee dalka oo xariga ka jartay Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka...

Marwada 1aad ee dalka oo xariga ka jartay Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Baraawe

170
0

Marwada 1aad ee dalka, Marwo Saynab Cabdi Macalin ayaa xarigga ka jartay Isbitaalka hooyada & dhallaanka ee Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Marwo Saynab oo ka warbixisay qorshaha lagu hirgeliyay Isbitaalkan ayaa tilmaamtay in muhiimad weyn uu u leeyahay dadka ku dhaqan Degmada Baraawe.

“Caafimaadku waxa uu ka mid yahay adeegyada aasaasiga u ah bulshada, sidaas awgeed Isbitaalkan waxa aan ugu talogalnay wax ka qabashada dhibaatooyinka caafimaad ee soo wajaha hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Baraawe iyo deegaanada kale ee Gobolka Shabellaha Hoose.”

Saynab Cabdi Macalin ayaa adkeysay muhiimadda ilaalinta xarumaha danta guud, iyada oo kula dardaarantay bulshada Baraawe in ay ilaashadaan dhismaha iyo agabka kale ee yaala xarunta oo ah mid casri ah.

Dhanka kale, Marwada ayaa uga mahadcelisay howlwadeenada Hay’adda Saynab Moalim Foundation dadaalka xoogan, ee ay ku bixiyeen sidii loo hirgalin lahaa dhismahan xaruntan caafimaad, sidoo kale Marwadu waxa ay u mahadcelisay maamulka shirkadda Hass Petrolium oo gacan ka geystay qalabaynta xarunta hooyada iyo dhallaanka ee Degmada Baraawe.

Safarka waxaa ku wehliyey Marwada 1aad ee dalka, Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi, Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Xukuumadda, Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha, Xamse Saciid Xamse, Wasiirka Kuxigeenka Caafimaadka, Dr. Axmed Xuseen Macalin, Kusimaha Agaasimaha Guud ahna Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada, Cabdinuur Maxamed Axmed.

Halkaan Ka daawo Sawiradda: 

 

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.