Home Wararka Dibadda Mareykanka oo War kasoo saaray dagaalka Itoobiya & TPLF

Mareykanka oo War kasoo saaray dagaalka Itoobiya & TPLF

158
0

Khamiis 25-ta August 2022, (Adis-Ababa-xog-ogaal) Maraykanka ayaa walaac xoogan ka muujiay dagaalka cusub ee u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya & TPLF, kaas oo Waqooyiga Itoobiya gaar ahaan Gobolka Tigrey-ga ka billowday ,xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony Blinken oo ka hadlay dagaalka Cusub ayaa yiri”
Shan bilood ka hor, waxaa waqooyiga Itoobiya lagaga dhawaaqay xabbad-joojin, taasoo yaraysay rabshadihii, isla markaana badbaadisay nolosha Dad badan.

Waxaan ka walaacsanahay in dagaalka soo cusboonaaday uu taas khatar gelinayo. Waxaan ugu baaqaynaa xukuumada Itoobiya iyo TPLF inay laban laabaan dadaalka nabada si loo soo afjaro colaada si joogto ah, xoogagga TPLF ayaa shalay shaaciyay in ay weerar kusoo qaadeen Ciidamada Federaalka Itoobiya, balse dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda sheegtay in TPLF ay weerarka bilaabeen.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.