Axad 4-ta September 2022,(Washintong-Xog-ogaal) Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa u sheegay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Al-shabaab ay haatan bilowday adeegsiga tiknoolajiyadda si ay u fuliso weeraro lagu hoobto sida uu yiri, Jeffrey DeLaurentis oo ah la taliye sare oo ka tirsan xafiiska ergada Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Alshabaab ay haatan isticmaalayso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones ka si ay u sahmiso, isla markaasna u hesho xogo sirdoon oo ku aaddan bartilmaameedyada nugul.
Weerarkii ugu dambeeyay ee ay xarakada qaadday ayaa ahaa kii 30ka saacadood socday ee hotel Xayaat oo ay dad badan ku waxyeeloobeen, waxaana la sheegay in Shabaabka ay adeegsadeen tijnoolajiyadda si ay weerarkaasi u fuliyaan, Mareykanka ayaa ammaanay kaalinta dowladda Kenya ku leedahay ka hortagga Al-shabaab, tahayna in si dhow uu Maraykanka ula shaqeeyo.