Home Wararka Gudaha Maraykanka oo xadka Soomaaliya ku qabtay nin madaxiisa la dul dhigay 100...

Maraykanka oo xadka Soomaaliya ku qabtay nin madaxiisa la dul dhigay 100 milyan oo lacagta Kenya ah

142
0

Arbaco 1-da June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Mid ka mid ah labo nin oo uu Mareykanku ku raadjoogay oo loo haysto ka ganacsiga daroogada ayaa lagu xiray dalka Kenya, Badru Abdul Aziz Saleh ayaa laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Garissa xili uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan booliska Kenya, waa afar maalmood uun ka dib markii Danbi baadhista iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta.

Cabdi Xuseen Axmed, oo isna lagu sheegay gacan-ku-dhiigle ah, ayaa weli maqan. Mr. Saleh ayaa ku xiran xarunta dhexe ee booliska la dagaalanka argagixisada (ATPU), iyadoo dambi baarayaasha ay su’aalo weydiinayeen si loo ogaado xiriirka uu la leeyahay Axmed, halka uu ku sugan yahay iyo dhaqdhaqaaqyada uu dalka ka wado.

Safaaradda Mareykanka ayaa usbuucii hore ku yaboohday 100 milyan oo shilinka Kenya ciddii keenta xog kasta oo horseedi karta in la soo qabto Mr Saleh oo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada, safaaradda Mareykanka ayaa fiidnimadii Talaadada xaqiijisay qabashada ninkan baxsadka ah, waxayna shacabka ku ammaantay inay gacan ka geysteen soo qabashadiisa, bayaan ay soo saareen, mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ku shaqeynta xog ka timid dadweynaha oo ay heshay Agaasinka dambi baarista, saraakiisha sharci fulinta Mareykanka iyo Kenya ay iska kaashadeen soo qabashada Saleh Isniintii.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.