Home Wararka Gudaha Maraykanka oo sheegay inuu kordhinayo la dagaalanka Alshabaab iyo gurmadka abaaraha Soomaaliya

Maraykanka oo sheegay inuu kordhinayo la dagaalanka Alshabaab iyo gurmadka abaaraha Soomaaliya

84
0

Talaado 14-ka Juune 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Maraykanka ayaa kordhinaya dadaallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya, sida ay sheegtay kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Siyaasadda Victoria Nuland oo la kulantay Madaxweyne Xasan Sheekh, dhinaca kale, Iyadoo Soomaaliya ay wajaheyso abaaro ba’an iyo cunno la’aan, ayaa ku xigeenka xoghayaha Nuland, waxay ku dhawaaqday in Maraykanka uu ku yaboohay lacag loogu talagalay Soomaaliya taas oo qayb ka ah qiyaastii $105 milyan oo gargaar bani’aadamnimo oo cusub oo loogu talagalay Geeska Afrika.

Victoria Nuland ayaa yabooha gargaarkan kaga dhawaaqday kulan ay la qaadatay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ka hortagga abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Hay’adaha Cuntada iyo Beeraha iyo UNICEF, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Maraykanka taageerada ay ku bixiyaan Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee kala dhaxeeya Maraykanka, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay xoogga saareyso gurmadka abaaraha, maalgashiga, deyn cafiska iyo xoojinta xiriirka caalamka.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.