Wararka ka imaanaya magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in ay hadda xaaladda deggan tahay kadib malmihii lasoo dhaafay oo ay halkaasi ka taagnaayeen dagaallo u dhexeeyay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.
Wararka waxay sheegayaan in dagaalka ka dhacay Diridhaba ay ku dhaawacmeen 6 qof halka hal qofna uu ku dhintay,kuwaas oo ka dhashay iska horimaadka u dhexeeya labadaasi qowmiyadood ee wada dega magaalada diridhaba
Bilooyinkii lasoo dhaafay waxaa magaalada Diridhaba ka dhacay qalalaase u dhexeeyay qowmiyadaha qaar ee halkaasi wada dego,kaas oo keenay in hanta badan la burburiyo waxyeelo kala duwanina ay soo gaarto dad badan.
Inkasta oo magaalada la geeyay militariga Itoobiya si ay ammaanka magaalada u sugaan haddana waxaa muddooyinkii dambe soo noqnoqnayey isku dhacyada qowmiyadaha magaaladaasi wada dega,kuwaas oo kala ah Soomaalida ,Ormada Iyo amxaaradda .