Home Wararka Gudaha Madaxweynihii hore ee koonfur galbeed oo loo diiday inuu u duulo magaalada...

Madaxweynihii hore ee koonfur galbeed oo loo diiday inuu u duulo magaalada Baydhabo

146
0

Axad 6-da Maarso, (Baydhabo-xog-ogaal) Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa saakay laga hor istaagay in uu ka duulo garoonka Aadan Cadde, isagoo ku wajahnaa magaalada Baydhabo, Shariif Xassan, ayaa doonaya inuu u tartamo kursi yaala Magaalada Baydhabo oo uu horay ugu fadhiyay wiilkiisa.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in diyaaradii qaadi lahayd Shariif Xasan lagu amray in aanay Baydhabo kasoo dagi karin,  Inkastoo wasaaradda amniga Soomaaliya ay soo saartay warqad Shariif Xasan loogu oggolaanayo inuu ilaalo gaar ah iyo hub u qaato magaalada Baydhabo, haddana isagii iyo ciiddankiisaba looma oggolaan in ay ka duulaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xayiraada lagusoo rogay waxaa la sheegayaa inuu ka dambeeyo maamulka koonfur Galbeed oo horey sidaas oo kale Baraawe uga celiyay, guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, Cabdiweli Ibraahim Muudeey,  Cabdiweli Ibraahim Muudey oo kursigiisu yaalay magaalada Baraawe ayaa laga hor istaagay inuu tago halkaas, waxaana maalin kadib kursigii uu ku fadhiyay loo doortay musharrax kale.

Koonfur Galbeed, siyaasiyiin badan oo muddo dheer kusoo jiray barlamaanka Soomaaliya ayaa tartanka doorashada laga reebay, iyagoo kuraastoodii loo doortay wajiyo cusub oo u badan dhallinyaro aan horey siyaasada ugu jiri jrin.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.