Home Wararka Dibadda Madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki oo geeriyooday

111
0

Jimce 22-da April 2022, (Nariobi-xog-ogaal) Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa geeriyooday maanta oo jimco ah isagoo ku jira da’da 90-aad.

Geerida Mwai Kibaki ayaa waxaa xaqiijiyey madaxweynaha hadda hayo talada dalkaas Uhuru Kenyatta,“Waa murugo waajib ah in aan ummadda u sheego geerida H.E.E. Emilio Mwai Kibaki, Madaxweynihii Saddexaad ee Jamhuuriyadda Kenya. Wuxuu ahaa hoggaamiye wax badan usoo qabtay, ummaddiisa si weyn ayuu u jeclaa, wuxuuna ugu adeegay rabitaankooda si hagar la’aan ah si uu u hormariyo nolosha dadkiisa,” ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey “Anagoo ka baroor diiqeeno khasaaraha aan la qiyaasi karin ee geerida Kibaki, waxaan haddana mar kasta xasuusaneynaa oo aan uga mahad-celineynaa safarkii uu madaxweyne Kibaki usoo maray u adeegidda dalkiisa laga soo billaabo dagaalkii ay Kenya xornimada ku qaadatay”.

Mwai Kibaki ayaa ahaa madaxweynihii Sadexaad ee soo maray Dalka Kenya, wuxuuna xilka hayey 2003 illaa 2013, kenyatta ayaa sheegay inuu dalka geli doono xaalad baroor diiq qaran ah inta laga aasayo madaxweynahii hore ee geeriyooday. Sidoo kale madaxweyne Kenyatta ayaa amray in hoos loo dhigo calanka dalkaas.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.