Home Wararka Gudaha Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlay shaqooyinka uu qaban doono boqolka maalmood...

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlay shaqooyinka uu qaban doono boqolka maalmood ee ugu horreeya

169
0

Khamiis 19-ka May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa soo bandhigay shaqooyinka uu qabandoono boqolka maalmood ee ugu horreeya marka uu la wareego xafiiska madaxtooyada, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay inuu isbeddel weyn ku sameyndoono hay’addaha amniga ee dalka, isoo sheegay inay ku shaqeeyaan sharuuc gabowday oo u baahan in isbeddel lagu sameeyo.

Waxaa madaxweynuhu sheegay in hay’addaha amniga loo qaabayn doona hab waafawsan nidaamka federalka ee dalka, isagoo sheegay inay  haatan u shaqeeyaan sidii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa kale oo uu sheegay inuu dhameystirayo barnaamijka dayn cafinta oo uu tilmaamay  inuu haatan marayo meel gabagabo ah oo u baahan dhameystir in lagu sameeyo, waxaa sidoo kale uu sheegay in dowladiisa xoogga saari doonto wax ka qabashada arrimaha amniga Muqdisho, isagoo sheegay inay xaqiijindoonaan in amniga caasimadda wax weyn laga qabto, isagoo sbeegay inay marka hore xaqiiijinayaan amniga labada gobol ee shabeelle.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.