Home Wararka Gudaha Madaxweyne Xasan Sheikh: Alshabab waa inaan ka riixno dhulka ay ku sugan...

Madaxweyne Xasan Sheikh: Alshabab waa inaan ka riixno dhulka ay ku sugan yihiin kadibna aan wada hadal la furno

89
0

Axad 5-ta June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo wareysi Muqdisho ku siiyay wargeyska caanka ah ee The Economist ayaa sheegay in Al-Shabaab ay si weyn ugu dhex milmeen deegaannada ay maamulaan. madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay tallaabadiisa koowaad inay tahay sidii Alshabaab loogu riixi lahaa dhulka miyiga ah, isagoo sheegay tallaabada labaadna in ay noqon karto inuu la furo wada hadal.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay dagaalka Alshabaab ficil ahaan inay qaadan karto sanado badan. Wuxuu tilmaamay Al-Shabaab inay leeyihiin adkaysi, wuxuu sheegay canshuurta ay Alshabaab ka qaadaan dadweynaha ku nool dhulka miyiga ah inay carruurtooda ku askareeyaan, wuxuu sidoo kale sheegay deegaannada ay maamulaan inay ka jiraan maxkamado iyo adeegyo aasaasi ah, “Aragtidayadu waa inaan Meesha ka saarno mabda’a Al-Shabaab oo aan tusno dadka in dowladdu ay ilaaliso caqiidadooda. Tani waxay la macno tahay in la qaado dagaal fool ka fool ah,” ayuu yiri Xasan Sheikh.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.