Axad 20-ka November 2022, (Dh/mareeb-Xog-ogaal) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta madaxtooyada Galmudug, madaxweynaha oo ku bogaadiyey madaxda dowladgoboleedka Galmudug dadaalka xooggan ee ay galiyeen dhismaha xarumaha danta guud ayaa tilmaamay in hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta cadowga ay ka turjumeyso go’aanka wanaagsan ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galmudug.
“Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxa ay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug ugu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda, dowladnimo iyo dad qaatay go’aan dhaxalgal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeenna” munaasabadda xarig jarka xarunta Madaxtooyada cusub ee Galmudug waxaa ka qayb galay wasiiro iyo xildhibaano heer federaal ah, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Galguduud iyo kan caasimadda Galmudug.