Home Wararka Gudaha Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir uga qeyb galaya Magaalada london

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir uga qeyb galaya Magaalada london

7
0

Isniin 20-ka November 2023, (Londopn-xog-ogaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  gaaray magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo siwyen loogu soo dhaweeyay, wafdiga Madaxweynaha oo ay mas’uuliyiin kala duwan qeyb ka yihiin ayaa waxaa ay magaalada London uga qeyb galayaan Maanta shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kulamo la qaadan doona Madaxda dalka Ingiriiska oo uu kala hadli doono dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo in ay ka taageeraan Soomaaliya qorshaha qaran ee qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran dalka, maadaama ay xubin ka yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal ka jeedin doona shirka, isaga oo ka hadli doona arrimo ay kamid yihiin, dagaalka ay dowladda kula jirto Al-Shabaab iyo fatahaadaha.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.