Axad 4-ta September 2022,(Muqdisho-Xog-ogaal) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay falkii Al-shabaab ku dileen dad la socday gaadiid isaga kala gooshayey degmooyinka B/weyne iyo Maxaas gaar ahaan deegaanada Afar-irdood iyo Cadakibir ee kala hoos yimaada gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug, madaxweynaha ayaa tilmaamay in ficillada ay sameynayaan kooxahaasi aysan sal iyo raad toonna ku laheyn diinta Islaamka, wadaniyadda iyo dhaqanka suubban, isaga oo xusay in Al-shabaab aysan Shacabka Soomaaliyeed u oggolayn nolol, nabad, xasillooni, amni iyo hurumar sida uu yiri.
“Dadka Soomaaliyeed waxaan rajeynayaa in ay adkeystaan oo aanay isdhiibin maalmaha kooban ee ka haray dabar-goynta Al-shabaab” ayuu yiri Xasan Sheekh oo sheegay inuu dadka soomaaliyeed ugu baaqayo inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamada dagaalka kula jira Al-shabaab, madaxweynuhu waxaa kale oo uu sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo is garabsanaya ay tallaabooyin wadajir oo degdeg ah qaadayaan kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo Al-shabaab, si loogula xisaabtamo dilka ay u geysteen dadka biri-mageydada ah ee ay ku laayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hiirshabeelle iyo guud ahaan dalka.