Home Wararka Gudaha Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisii 8aad ku tagaya dalka Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisii 8aad ku tagaya dalka Uganda

164
0

Axad 7-da August 2022, (Kampala-xog-ogaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu safarkii sideedaad tan iyo markii la doortay, uga ambabaxayo Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa filayaa inay booqashadiisa dalka Uganda ay qaadan doonto muddo labo maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa magaalada Kampala kula kulmi doona Madaxda dalka Uganda, isaga oo sidoo kale ka qeyb geli doona shir looga hadlayo iskaashiga Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda, shirkan ayaa hal-ku-dhig looga dhigay horumarinta iskaashiga Uganda iyo Soomaaliya ee dhinacyada maalgashiga iyo dalxiiska.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.