Home Wararka Gudaha Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay labo mas’uul cusub, magacyadooda iyo mid ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay labo mas’uul cusub, magacyadooda iyo mid ka mid ah oo uu dhalay madaxweynihii hore ee…

104
0

Khamiis 1-da September 2022,  (Muqdisho-Xog-ogaal) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay horumarinta nolasha shacabka Soomaaliyeed, kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga Khayraadka dalka ayaa magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Ganacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga kaas oo loo magacaabay Khadar Cabdirixmaan Maxamed faroole kaas oo uu dhalay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo hadda ku jira Aqalka sare

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa sidoo kale Magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska kaas oo loo magacaabay Axmed Cali Yuusuf, madaxweynaha ayaa sheegay inuu Labadan xubnood ku soo xulay aqoontooda iyo waayo-aragnimada shaqo ayaa ku adkeeyey in ay door wanaagsan ka qaataan qorshaha dowladdu ee Soomaali isku filan dhaqaale ahaan, kana gudubta saboolnimada iyo abaaraha oo ka mid ah caqabadaha curyaamiyey dalka sida lagu sheegay qoraalka lagu magacaabay labadaasi xubnood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga rajeeyey Ergeyga Gaarka ah ee Gannacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Khadar C/raxmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf in uu u fududeeyo shaqada Qaran ee hortaala, xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay; Talaada, 31-ka bishan Ogoosto, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.