Home Wararka Gudaha Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta xilka kala wareegaya Farmaajo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta xilka kala wareegaya Farmaajo

322
0

Isniin 23-da May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii Bishaan lagu doortay Teendhada Afisiyooni uu xilka kala wareego Madaxweynaha xilka kasii deagaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, munaasabadda xil wareejinta oo ka dhaceysa Barxadda Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb geli doona labada Madaxweyene ee xilka isku wareejinaya, Guddoonka labada Aqal, taliyeyaasha Ciidamada, Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbado koo kooban ka jeedin doona munsaabadda xil wareejinta iyo xubnaha kale ee lagu marti qaaday, wararka la helay ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh markii uu xilka la wareego uu Agaasimaha Madaxtooyada u Magacaabi doono Sanoter hore Xuseen Sheekh Maxamuud oo kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed gaar ahaan Gobolka Bakool.

Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa la doortay 8-dii Bishii Febaraayo ee sanadkii 2017-kii waxaana uu xilka haayay in ka badan 5 Sano, iyada oo uu inta uu xafiiska joogay dalka ay ka dhaceen dhibaatooyin kala duwan.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.