Home Wararka Gudaha Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhoweeyey magaalada Garowe ee caasimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhoweeyey magaalada Garowe ee caasimada Puntland

113
0

Khamiis 25-ta August 2022, (Garowe-xog-ogaal) Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweyey, adaxweynaha iyo wafdigiìsa waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magalada garoowe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntlnad, Kuxigeenkiisa, mas’uuliyiin ka tirsan federaalka iyo qaybaha kala duwan bulshada.

Ujeedka Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Garoowe oo laba maalin qaadan doona ayaa ah sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Puntland, sidoo kale, Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ujeedkiisa ugu weyn ku qotomo sidii xal looga gaari lahaa tabasho ay qabaan madaxda Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaadan doona madaxda sare ee Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.