Home Wararka Gudaha Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa Ereteriya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa Ereteriya

84
0

Axad 10-ka Juluy 2022, (Asmara-xog-ogaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya ayaa la filayaa in uu kulan la qaato dhiggiisa dalkaas mudane Isaias Afwerki, labada Madaxweyne ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal yeellan doonaan iyo Arrimo kale oo ku saabsan Geeska Afrika.

Dalka Eritrea ayaa waxaa ku sugan yihiin ciidamo Soomaali ah oo tababar ay ugu dirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dhalinyarada loogu qaaday tababarka Eretria, ayaa muddo dheer waxaa hareeyay su’aalo badan oo ku saabsan badqabkooda, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in laga yaabo in qaarkood ay ka qeybgaleen dagaalkii Ethiopia, warkan ayaan loo heyn wax caddeyn ah oo xaqiijinaya.

Waalidiinta qaar ayaa dhowr jeer banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho iyaga oo dalbanayay xogta la xiriira caruurtooda, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafladdii xil-wareejinta ku wareejiyay gal gaar ah oo la xariira xogta dhallinyarada ciidanka ah ee tababarka loogu diray Eretria.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.