Khamiis 16-da November 2023, (Muqdisho-xog-ogaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo uu kala hadlay xaaladda amni ee dalka, madaxweynaha oo ka dhagaystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka warbixin ku saabsan wajiga koowaad ee howlgalka xoreynta ayaa tilmaamay in hirgalinta qorshaha mudada dhow ay horseedayso guulaha ay sugayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan ciribtirka Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey naf-hurnimada Ciidanka Soomaaliyeed ee u istaagay xoreyta deegaannada ay Al-Shabaab kaga harsan yihiin dalka, waxa uuna xusay in abaabulka xoogagga dadweynaha ay wax weyn ka tari doonto halganka, kulankan waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxuyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin.
Kulankan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ay istaageen howlgalladii iyo gulufkii dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ay Al-Shabaab uga saareen degaano dhowr ah, tan iyo markii Madaxweyne Xasan sheekh uu kasoo guuray degaannada Galmudug ayaa waxaa hakad ku yimid howlgalladii ka socday Gobolkaas, hayeeshee uu doonayo hadda in la dardar geliyo billaabida howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.