Axad 4-ta December 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Warar kala duwan oo naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu caawa kulan isugu yeeray Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo uu wehliyo Guddoonka Golaha, gudoonka baarlaamanka iyo gudiyada joogtada ah ayaa aqbalay kulankan oo ka dhacaya aqalka madaxtooyada, iyadoo kulanka uu noqonayo mid casho ah, sida xogaha ay tilmaamayaan.
Si kastaba, kulankanka waxa uu ka danbeeyay kadib markii xildhibaanada fadhigoodii shalay ay hareysay dooda fashilka amni ee dalka ka jira, waxeyna qireen in Al-Shabaab lagala shaqeeyay gaarista hadafka weeratkoodii Villa Rosa, iyagoo dalbaday in taliyayaasha ay baarlamaanka horyinaadaan.