Home Wararka Gudaha Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyaya Shirka Amniga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyaya Shirka Amniga Qaranka

24
0

Arbaco 28-da February 2024, (Mogadishu-xog-ogaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga hadlay dardargalinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, dhammeystirka bixitaanka ATMIS, iyo diyaar garowga qorshaha howlgalka kooban ee lagu xaqiijinayo amniga  marka dalka ay ka baxaan ciidanka ATMIS .

Madaxweynaha oo dhageystay  warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta amniga dalka, ayaa ku adkeeyay hay’aduha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xakameynta Hubka iyo Rasaasta ee lagu maamulayo dalka, kaddib qaadistii cunaqabateynta hubka, waxa uuna tilmaamay in guusha laga soo hoyey qaadista cunaqabataynta hubka ay aas-aas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.