Home Wararka Gudaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saxiixay 8 sharci oo muhiim ah

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saxiixay 8 sharci oo muhiim ah

28
0

Talaado 21-da Maarso 2023, (Muqdisho-xog-ogaal) Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ka qabsoomtay gudaha Madaxtooyada Soomaaliya waxa uu ku saxiixay ilaa sideed sharci oo ay horay u ansixiyeen labada Gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa dhinacyadiisa taagna marka uu saxiixayay sharciyadaan muhiimka ah guddoomiyaasha labada Gole ee Baarlamaamka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in hindise sharciyeedyadaan uu saxiiyay ay yihiin kuwa muhiim u ah dalka, kuwaas oo kala ah kuwa ku xusan qeybta hoose.

 1. Sharciga La-dagaallanka Argagixisada
 2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,
 3 .Sharciga  Socdaalka,
 4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha
 5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,
 6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,
 7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
 8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan ayaa ku bogaadiyey guddoonka labada Aqal iyo mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya sida ay u dardar geliyeen ansixinta sharciyadaan oo aas aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku amaanay Golaha Xukuumadda Fedaraalka iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxuuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda Soomaaliya.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.