Home Wararka Gudaha Madaxweyne Xasan Sheekh “Ma jiro wax wada hadal ah, waxaan qaadaynaa dagaal...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Ma jiro wax wada hadal ah, waxaan qaadaynaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

21
0

Axad 26-November 2023, (Muqdisho-xog-ogaal) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa wuxuu meesha ka saaray in wax wada hadal ah uu dhexmari doono dowladda iyo Al-Shabaab, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in Al-Shabaab lagu cirib tiro dagaal, halkii wada hadal lala gali lahaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay guulo waaweyn ka gaartay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab ayna ka xoreeyeen dhul badan oo ay dowladda haatan ka sameysay dib u xasilin qaran, “si aan u istaagno sida xasilloon, waxaan leenahay laba door oo muhiim ah si aan u soo jiidano ficillada caalamiga ah. Waxaan u baahanahay inaan dalka ka xoreyno Al-shabaab. Saaxiibada caalamku waxay ku siin karaan agabka sida cuntada, hubka, iyo shidaalka laakiin nama siin doonaan ciidamada safka hore,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheikh wuxuu sheegay markii dowladdu bilowday in ay iskeed ula dagaalanto Alshabaab, in ay xoraysay in ka badan 80 goobood, madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay xayirtay oo ay jartay isku xirka Al-Shabaab iyo dhaq-dhaqaaqyadii dhaqaalaha ee kooxda Al-shabaab.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.