Home Wararka Gudaha Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti waxay noo yihiin hiil...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti waxay noo yihiin hiil aan ku tashanno

162
0

Isniin 27-da June 2022,(Muqdisho-Xog-ogaal) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guurada 45-aad ee xornimada dalka Jabuuti u diray dhigiisa Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey dowladda iyo  shacabka dalka Jabuuti munaasabaddan taariikhiga ah oo ka mid ah dhaxalka ay wadaagaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kana tarjumaysa halgankii mideysnaa ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.

“Walaalaha Jabuuti, dowlad iyo shacabba, waxay maanta noo yihiin hiil aan ku tashanno. Waxaan idinla qeybsanaynaa munaasabaddan taariikhiga ah, anaga oo abaal idiin kaga hayna doorka walaalnimo ee aad ka qaadateen dib u dhiska dowladnimoda Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, gabagabadii Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay dowladda iyo shacabka reer Jabuuti nabad waarta iyo horumar joogto ah.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.