Home Wararka Gudaha Madaxweyne Xasan Oo Kala diray Golaha Adeega Garsoorka & Guddiga la-dagaalanka Musuqmaasuqa

Madaxweyne Xasan Oo Kala diray Golaha Adeega Garsoorka & Guddiga la-dagaalanka Musuqmaasuqa

132
0

Axad 9-ka October 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kala diray Golaha Adeega garsoorka Qaranka & Xubnaha Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa, kuwaasoo la dhisay xiligii madaxweynihii hore Farmaajo, qoraal ka soo baxay madaxtooyada aya lagu sheegay in talaabadan ooo qaaday si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markuu arkay Qoraalka Sumadiisu tahay XG/504/B-12/021 ee ka soo baxay Aqalka Sare laguna sheegay in Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa aan hawlgelintooda loo marin hannaan Dastuurka iyo xeerarka waafaqsan, ayaa Xeer Madaxweyne ku baabi’iyey Xeerarka Madaxweyne ee kala ah Lr 357 iyo Lr 358 si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale faray xukuumadda iney deg deg u soo dhisto labadan guddi, iyadoo la marayao sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo magaacaabista Guddiga Madaxa-Bannaan ee La dagaallanka Musuqmaasuqa,  “Madaxweynaha oo ka duulaya ahmiyadda ay labadan guddi u leeyihiin dowlad nimada Soomaaliyeed iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dhismahooda loo maro nidaam waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka dalka ayaa Xukuumadda faray in ay u soo dhisaan labadan guddi si waafaqsan qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee Dastuurka Kumeel-Gaarka ah iyo qodobka 7-aad ee sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo magaacaabista Guddiga Madaxa-Bannaan ee La dagaallanka Musuqmaasuqa” ayaa warka lagu sii daray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale tilmaamay in la baabi’iyey dhammaan wixii go’aanno ahaa ee ay gaareen muddadii la howlgeliyey Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.