(Isniin 15-ka January 2024, Muqdisho-xog-ogaal) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ku hoyday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, halkaa oo uu shalay gaaray isla markaana lagu sheegay sababta uu u tagay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab ,sanadkii dhamaaday ee 2023-ka ayaa madaxweynuhu Galmudug ku sugnaa muddo dhowr bilood ah iyadoo halkaa uu muddadaas u joogay howlaha dagaalka.
Dowladda federaalka ayaa dhowr jeer sheegtay in ay soo gunaanadeyso wajigii koowaad ee dagaalka ay kula jirtao al-Shabaab isla markaana ay bilaabayso wajigii labaad, hase yeeshee dadka falanqeeya arrimahan ayaa qaarkood aaminsan in howgallada iyo dagaalka dowladdu waddo aaney u xooganeyn sidii markii uu bilowga ahaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sanadkii tagay dhamaadkiisii mudo ku siman laba bilood ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb oo uu ka hagaayay dagaalka ka dhanka kooxda Al-shabaab, waxaana haatan muuqaneysa in howlgalada oo mudo hakad ku jiray markale uu madaxweynaha Soomaaliya dib u dardar galinaayo.