Home Wararka Gudaha Madaxweyne Xaaf “ Wuu burburay heshiiskii maamulkii gobollada dhexe ee Ahlu Sunna...

Madaxweyne Xaaf “ Wuu burburay heshiiskii maamulkii gobollada dhexe ee Ahlu Sunna iyo Galmudug

295
0

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in uu gabi ahaanba meesha ka baxay islamarkaana buray heshiiskii Jabuuti ee Muqdisho lagu saxiixay sanadkii 2017  kaa oo dhaxmaray maamulkii gobollada dhexe ee Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa qoraalkiisa intaa ku daray in uu dhamaaday sida uu hadalka u dhigay kala aragti –duwanaashihii dowladda dhexe iyo Galmudug doorashadana waqtigeeda ku dhici doonto, isaga oo goobta doorashada ku sheegay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud oo horay xarun ugu aheyd maamulka Galmudug ka hor inta aysan u soo guurin degmada Dhuusa-Mareeb.

Wuxuu sheegay in uu dhamaaday khilaafkii iyo mad-madowgii ka dhex jiray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug doorashadana ku dhici doonto waqtii loogu talagalay.

Laakiin marka laga soo tago warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxweynaha Galmudug dhinaca kale War ay soo saartay Wasaarradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashada Galmudug lagu qaban doono degmada Dhuusa-Mareeb, kaddib markii ay heshiis gaareen Wasaaradda iyo maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay madaxweyne Xaaf :

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.