Home Wararka Gudaha Madaxweyne Qoorqoor oo ku baaqay in gurmad lala soo gaaro dadka ay...

Madaxweyne Qoorqoor oo ku baaqay in gurmad lala soo gaaro dadka ay abaartu saameysay

116
0

Axad 7-da August 2022, (Dh/mareeb-xog-ogaal) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo ka qeyb galay shirwayne diiradda lagu saarayay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha iyo saameynta bini’aadanimo ee ka dhalatay ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ay saameysay Abaarta, isagoo ku baaqay in gurmad lala soo gaaro dadka ay abaartu saameysay, madaxweyne Qoorqoor ayaa baaq u diray qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Galmudug ee ku sugan dalka iyo dibadiisa, iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan caawinta iyo garab istaagga walaalahood ay abaartu saameysay, iyadoo la saadaalinayo in biyo la’aan ka jirto  degaanadaasi.

Ergeyga Gaarka ah ee DFS u qaabilsan arrimaha Bini’aadanimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo marti ku ahaa shirka ayaa sheegay inuu diiradda saarayo sidii loo fududeyn lahaa gurmadka loogu tala-galay dadka danta-yar ee reer Galmudug, guud ahaan deegaanada Soomaaliya waxaa ka jirta Abaar saameyn xooggan ku yeelatay dadka iyo duunyada, taas oo laga cabsi qabo inay gaarto heerka Macluusha.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.