Home Wararka Gudaha Madaxweyne Maamulka Puntland oo Magacaabay Labo wasiir.

Madaxweyne Maamulka Puntland oo Magacaabay Labo wasiir.

135
0

Sabti 10-ka September 2022, (Garoowe-xog-ogaal) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magacaabay labo wasiir oo ka mid ah Golaha Xukuumadda, Madaxweyne Deni ayaa Cabdifataax Maxamed Cabdinuur u magacaabay Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada, sidoo kale wuxuu Maxamed Cabdirisaaq Dayib u magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

Halkaan Hoose ka akhri wareegtada magacaabista Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Garoowe: 10 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 10-ka September 2022, kuna saabsan magacaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5aad.
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.
Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.
Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
1. Waxaa Cabdifataax Maxamed Cabdinuur loo magacaabay Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland.
2. Waxaa Maxamed Cabdirisaaq Dayib loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
3. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.