Home Wararka Gudaha Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday Dekedda iyo Garoonka Boosaaso

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday Dekedda iyo Garoonka Boosaaso

161
0

Arbaco 4-ta May 2022, (Boosaaso-xog-ogaal) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa booqday dekedda iyo garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Boosaaso, madaxweyne ku xigeenka ayaa kormeer ku sameeyay shaqada ka socota garoonka iyo dekedda oo kamid ah ilaha dhaqaalaha Puntland.

Axmed Karaash ayaa bogaadiyay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda iyo sidoo kale mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso,“Waan ku bogaadinayaa masuuliyiinta wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo masuuliyiinta garoonka shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Puntland” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka.

 

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.