Home Wararka Gudaha Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo beeniyay ineysan jirin heshiisyo awood qeybsi oo...

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo beeniyay ineysan jirin heshiisyo awood qeybsi oo Hirshabeelle horay meel u dhigatay

148
0

(Hirshabeelle-xog-ogaal) Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da ayaa si faahfaahan waxa uu uga hadlay ujeedka safarka madaxweyne Cali Guudlaawe ee ku tagay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Yuusuf Dabageed ayaa beeniyay iney awood ciidan ku keeneen magaalada Baledweyne madaxweynaha maamulka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe oo shalay gaaray Baledweyne, kadib mudo sanad ah oo lag hortaagna.

“Ma jirto wax xoog ah oo lagu keenay madaxweynaha Hirshabeelle ee waxuu ku yimid si nabad ah waxuuna u yimid dadkuu madaxweynaha u ahaa maadama Baledweyne ay tahay caasimadii labaad ee Hirshabeelle, waxuuna madaxweynaha u yimid inuu xaliyo tabasho kasto oo laga qabo Hirshabeelle, intuu joogayana mahan wax cayiman oo waa madaxweynahii deegaanka” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Waxuu sidoo kale beeniyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle in ciidamo fara badan ay ku daadiyeen wadooyinka gudaha magaalada Baledweyne, islamarkaana ay xayireen dhamaan dhaqdhaqaaqyadii isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, ganacsiga iyo Waxbarashada.

“Majirin wax ciidan ah oo lagu daadiyay magaalada oo xiray wadooyin oo magaalada caadi ayay aheyd, ciidamadana xeryadooda ayay ku jiraan oo majirto ciidamo wadooyinka taagan iyo wado xiran itabana” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed.

Yuusuf Dabageed ayaa sidoo kale sheegay ineysan jirin heshiis horay meel loo dhigtay  oo ku aadan in Caasiamadda Hirshabeelle iyo madaxweynaha Hirshabeelle la kala qaato, isagoona tilmaamay in Caasimadda hada ay tahay jowhar looga dhaafi karo lagana soo wareejin karo.

“Majirin heshiis rasmi ah oo meel la isla dhigtay oo ah in Caasimada iyo madaxweynaha lakala qaato 4-tii sano ee hore laba madaxweyne oo reer Hiiraan ah ayaa isaga dambeysay xilka madaxweynaha, Caasimaddana Jowhar ayay taalay, hadana way sii ahaan kartaa waana laga soo wareejin karaa, balse heshiis maheyn in Caasimada iyo madaxweynaha lakala qaato” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Hadalkaan kasoo Yuusuf Dabageed ayaa imaanaya xili shalay magaalada Baledweyne si xoog ah lagu geeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali guudlaawe oo mudo sanad ka badan laga hortaagna inuu tago Baledweyne, kadib markii wado kasta ay xireen ciidamo farabadan oo ka tirsan Haramcad, Gorgor, iyo kuwa Militariga gobolka Hiiraan.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.