Home Wararka Gudaha Madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah u shaaciyay inuu mar kale u...

Madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah u shaaciyay inuu mar kale u sharraxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya

148
0

Isniin 9-ka May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu mar kale u sharraxan yahay xilka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in doorashada lagusoo beegay 15 ka May oo ah maalintii la aas aasay ururkii gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

“Anigoo tixgelinaya codsiga shacabka Soomaaliyeed, waxaan go’aansaday in aan mar kale isu sharraxo xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si aan usii socodsiinno isbeddelka ka socda dalka ee miro-dhalay,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo waxaa uu sheegay in Soomaaliya u baahan tahay qof aamin ah oo ilaaliya ammaanadeeda iyo hantida qaranka, wuxuuna xildhibaannada labada aqal ka codsaday inay codkooda siiyaan, si mar kale u hoggaamiyo dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya haddii mar kale dib loo doorto xilkan, madaxweynihii ugu horreeyay ee labo jeer xukunka qabta.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.