(Garoowe-Xog-ogaal) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa magacaabay agaasime ku xigeenka ciidamada PMPF, taliyaha Saldhiga dekadda Boosaaso iyo hoggaanka dembi-aarista ee ciidanka booliska Puntland, madaxweyne Deni ayaa Maxamuud Silaal Cumar u magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Ciidamada Badda Puntland ee Puntland, halka G/dhex Warsame Axmed Shirwac uu u magacaabay Taliyaha Saldhiga Dekedda Boosaaso, sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi u magacaabay Hogaanka Dembi Baarista (C.I.D) ee Ciidanka Booliska Puntland.
Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaaa G/sare Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Taliyaha Qabta Booliska Gobolka Bari u bedelay Taliyaha Qabta Booliska Gobolka Nugaal, halka G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa taliyaha ciidanka madaxtooyada loo wajeejiyey taliyaha qabta booliska gobolka Bari.