Home Wararka Gudaha Madaxweyne Deni oo magacaabay maxkamadda sare ee Puntland.

Madaxweyne Deni oo magacaabay maxkamadda sare ee Puntland.

105
0

Arbaco 26-da October 2022, (Garowe-xog-ogaal) Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 75 ee 26-ka Oktoober 2022 kuna saabsan Magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland

Markuu  arkey: Qodobka  80-aad   farqadda 18-aad, ee Dastuurka Puntland, kuna saabsan Awoodaha iyo Masuuliyadda Madaxweynaha, ee magacaabida Garsoorayaasha Madaxkamadda Sare.

Markuu arkey: Qodobka 90-aad farqadaha 1 iyo 2 ee Dastuurka Puntland, kuna saabsan xubnaha Maxkamadda Sare.

Markuu arkey:  Qodobka 91-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, kuna saabsan shuruudaha lagu noqon karo Garsoore Maxkamadda Sare.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Waxuu xeeriyey

Qodobka  1-aad

Waxaa Mudanayaasha hoos ku xussan loo magacaabey Garsoorayal Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, mudda xileed 5 sana ah, sida uu qeexayo qod. 90-aad farqadda 3, ee Dastuurka Puntland.

  1. Xassan Yuusuf Nuur Guddoomiye
  2. Axmed Sheikh Cumar Xassan Guddoomiye Ku-xigeen.
  3. Saciid Axmed Faarax Garsoore.
  4. Maxamuud Cawad Cumar Garsoore.
  5. Saciid Maxamuud Maxamed Garsoore.
  6. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Garsoore Kayd ah .
  7. Aadan Axmed Moxamed Garsoore Kayd ah

Qodobka 2-aad

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.