Home Wararka Gudaha Madaxweyne Deni oo la kulmay Saraakiisha laamaha Amniga Puntland

Madaxweyne Deni oo la kulmay Saraakiisha laamaha Amniga Puntland

150
0

Isniin 7-da Maarso, (Bosaaso-xog-ogaal) Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Amniga Puntland, Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Puntland, Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyay Ciidamada Puntland sida ay marwalbo heegan ugu yihiin ka shaqeynta Amniga, Guulaha laga gaaray a dagaalanka Al-Shabaab & Daacish iyo adkaynta Amniga Gudaha iyo dibadda Puntland xilli uu dalku ku jiro marxalad Doorasho.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ciidamada in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan sugida amniga Guud ee degaannada Puntland, Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmaha soo socda dib ugu laaban dona Magaalada Garoowe, waxaana warar kale oo la helay ay sheegayaan in sidoo kale uu u bixi doono afar dibadda ah.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.