Home Wararka Gudaha Madaxweyne Deni oo ka hor yimid go’aan qaar katirsan Isimada Puntland kasoo...

Madaxweyne Deni oo ka hor yimid go’aan qaar katirsan Isimada Puntland kasoo saareen muranka hay’adda PSF

116
0
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka horyimid go’aan dhaqan oo kasoo baxay qaar kamid ah Isimada Puntland, kuwaas oo qodobo kasoo saaray khilaafka iyo xiisadaha ka dhashay xil ka qaadista agaasimaha PSF.

Madaxweyne Deni oo xalay soo saaray qoraal ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qeyb kamid ah Isimada Puntland ay ku taliyeen in hantida PSF gacanta loo galiyo agaasimihii hore ee PSF.

Madaxweynaha Puntland wuxuu go’aanka Isimada ku tilmaamay mid dhaawac ku ah dowladnimada Puntland, isla markaana dhiirri galinaya musuq maasuq iyo boobka hantida dadweynaha.

Deni ayaa si degdeg ah ugu amray agaasimihii hore ee PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano. inuu si degdeg ah ku wareejiyo xilkiisa iyo dhammaan hantida uu gacanta ku hayo.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.