Axad 14-ka August 2022, (Garowe-xog-ogaal) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabilay madaxa ugu sareeya Hay’adda Save the Children Soomaaliya Maxamuud Maxamed Xasan oo ay weheliyaan masuuliyiinta Hay’adda ee faraca Puntland kulanka Madaxweyne Deni iyo madaxa Hay’ada Save the children ayaa looga hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Hay’adda Badbaadada Caruurtu ka waddo gobolada Puntland iyo sidii loo kordhin lahaa.
War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale looga hadlay sidii Hay’adda Save the Children uga qeyb qaadan laheyd gurmadka Abaaraha iyo xoojinta xiriirka wada-shaqaynta Hay’adda iyo Maamulka Puntland, madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhankiisa uga mahad celiyay madaxda Hay’adda Save the Children tageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland, isaga oo sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta kala dhaxeeysa, puntland ayaa waxaa ay kamid tahay maamulada ay degaannadeea ay kajirto abaarta xoogan, waxana horay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu qeylo-dhaan ug diray hay’adaha Caalamiga ah taas oo ku aadan inay u soo gurmadaan.