Home Wararka Gudaha Madaxweyne Deni: Iscasilaadii guddoonka guddiga doorashada ma hor istaagi doono geeddi socodka...

Madaxweyne Deni: Iscasilaadii guddoonka guddiga doorashada ma hor istaagi doono geeddi socodka dimuqraadiyada Puntland

123
0

(Boosaaso-xog-ogaal) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay iscasilaadii guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland iyo ku xigeenkiisa in aanay hor istaagi doonin geeddi socodka dimuqraadiyadeed ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa qoraal uu la wadaagay beesha caalamka ku sheegay, in Puntland ay sii wadi doonto doorkeeda hoggaamineed ee geedi socodka dimoqraadiyada, ayna fulin doonto hamigeeda dimoqraadiyadeed

“Dowladda Puntland waxay u xaqiijinaysaa shacabkeeda, iyadoo nasiib darro u aragto iscasilaadii guddoonka guddiga doorashada, in ay ka go’an tahay dhameystirka golayaasha deegaanka ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, si horey loogu socdo,” ayuu yiri Deni oo kulan la qaatay guddiga doorashada Puntland.

Deni ayaa uga mahad celiyay beesha caalamka taageeradeeda ku aadanayd guusha doorashooyinkii hordhaca ahaa ee saddexda degmo , wuxuuna sheegay in ay ka go’an tahay hirgalinta doorashooyinka golayaasha deegaanka ee harsan.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.